Sunday, May 19, 2024

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ku eedeyay Soomaaliland dilka abwaan Jaamac Kadiye

Muqdishu (Dawan)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay dhimashada abwaan Jaamac Kadiye Cilmi ayaa ku eedeeyay maamulka Soomaaliland inay dileen abwaanka oo shalay ku dhintay magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.


Hoobiyayaal dhowr ah oo shalay lala beegsaday magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool ayaa sababay khasaare isagu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ka mid ahaa dadka ku geeriyooday duqeyntaas abwaan Jaamac Kadiye oo caan ka ahaa dhulka Soomaaliyeed.


Dilalka iyo duqeymaha loo geysanaayo aqoonyahanka, Abwaaniinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ma ahan wax laga aqbali karo maamulka Soomaaliland waana dambi iyo jariimo aad u weyn” ayuu yiri, ra’iisal wasaare Xamse.


Abwaan Jaamac Kadiye ayaa ka mid ahaa dadka aaminsan qaddiyadda maamulka SSC ee ah inay helaan maamul metela dadka kasoo jeeda deegaankaas.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaana qoyskii iyo eheladdii uu abwaanku ka tegay.
Abwaanku wuxuu ahaa hal abuure iyo dhaqan-yaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda” ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.


Dagaalaka ka socda Laascaanood ayaa sababy dhimasho iyo dhaawac tira badan, waxaana ku bara kacay kumanaan qof.
Dowladda Soomaaliya iyo ha’yadaha u dooda xuquuqda aadanah ayaa dhwor jeer ku baaqay in la joojiyo colaadda, wixii jira oo khilaaf ahna lagu xalliyo miiska wada hadalka.
Abwaan Jaamac Kadiye ayaa lagu xasuusta suugaantiisa waddaniga ah iyo siduu u wacyi gelin jiray bulshada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here