Daarusalaam(Dawan) – Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa ku heshiiyay in dib loo bilaabo duullimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay magaalooyinka Muqdisho iyo Daarusalaam sida aya sheegtay wasaradda arrimha dibadda Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa ka dhashay kulan khuburo ka kala socday labada dal ey ku yeesheen magaalada Daarusalaam 1-dii Luulyo, iyadoo kulankaasi uu dhaliyay baaq rasmi ah oo gogol xaar u ah hirgelinta duullimaadyada tooska ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la filayo in duullimaadyadu si rasmi ah u bilowdaan toddobaadyada soo socda, taasoo la filayo in ay noqoto tallaabo hor leh oo xoojinaysa isku socodka ganacsiga, dalxiiska iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada waddan.
Horay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika ee Tanzania, Danjire Mahmoud Thabit Kombo, oo ka hadlayay munaasabadda 65-guurada midnimada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Daarusalaam, ayaa muujiyay sida ay Tansaaniya uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada duulista hawada, ganacsiga iyo horumarinta xiriirka labada shacab.
Danjire Kombo ayaa sidoo kale xusay in labada dal ay isla garteen in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii hore ee BASA (Bilateral Air Services Agreement) ee la saxiixay sannadkii 1975, taasoo ka dhigan dib u habeyn buuxda oo lagu sameynayo xiriirka duulimaadyada ee labada dal.
“Tansaaniya waxa ay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kala duwan oo ay ka mid tahay duulista hawada.” Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika ee Tanzania
Waxaa xusid mudan in 21-kii December ee sanadkii hore, dowladaha Tanzania iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen heshiisyo badan oo la xiriira iskaashi ballaaran oo dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin difaaca, dalxiiska, caafimaadka, duulista hawada iyo diblomaasiyadda guud. Heshiisyadaas oo lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho ayaa horseeday koror weyn oo ku yimid xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ee Bariga Afrika.