Thursday, July 3, 2025
Array

Tesla Oo La Kulantay Hoos U Dhac Ku Yimid Gaadiidkeeda iyo Saamigeeda.

Shirkada gaadiidka korontada ku shaqeeya soo saarta ee Tesla, ayaa 13.5% hoos u dhacday tirada gaadiidkeeda la dhiibay 3-da bil ee labaad ee sanadka 2025, marka loo eego isla muddadii sanadkii hore.

Sidoo kale, soo-saarista gaadiidka Tesla ayaa in yar u hoos u dhacday, iyadoo tirada gaadiidkii la soo saaray ay tahay 410,244, halka isla mudada sanadkii hore la soo saaray 410,831. Hoos u dhacaani wuxuu soo ifbaxayaa iyadoo shirkaddu la kulmeyso tartan, gaar ahaan soo-saareyaasha gaadiidka korontada ee Shiinaha ee bixiya nuucyo cusub oo qiima jaban.

Dhibaatooyinka Tesla ayaa sidoo kale ka muuqda hoos u dhaca 26% ee saamigeeda sanadkan, taasoo ka dhigaysa shirkaddu inay hoos uga dhacdo heerka suuqa ee $1 trillion.

Musk, oo ah madaxa Tesla, Doorashadii madaxweynaha Mareykanka Trump uu xilkaga ugo soo laabtay, Musk wuxuu ahaa mid ka mid ah maalgeliyeyaasha ugu waaweyn ee Madaxweyne Donald Trump.

Xiriirka u dhexeeya Trump iyo Musk ayaa isku dhex yaacay kadib markii Musk uu dhaleeceeyay in Sharciga canshuurta, kharashka dowladda, iyo arrimo dhaqaalaha ee Trump taageeray isaga oo sheegay in uu kordhin doono deynta miisaaniyada Mareykanka.

Toddobaadkan, Trump ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in milkiilaha Telsa ee Ilon Musk uu ku soo laaban doono gurigiisa Koonfur Afrika haddii taageerada dowladda ee baabuurta korontada la joojiyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu baaritaan ku sameyn doono soo-dejinta Musk iyo in Waaxda Waxtarka Dowlada (DOGE) ay baarto taageerada uu Musk ka helay shirkadiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here