Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya (AUSSOM), saddex ka mid ah rakaabkii 8-da qof ee saarnaa helikobtar ku dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Abdulle ee Muqdisho ayaa si degdeg ah loo badbaadiyay, waxaana isla markiiba loo qaaday Isbitaalka AUSSOM ee Heerka II ee Muqdisho si loo siiyo daryeel caafimaad.
Daarusalaam
Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa ku heshiiyay in dib loo bilaabo duullimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay magaalooyinka Muqdisho iyo Daarusalaam sida aya sheegtay wasaradda arrimha dibadda Soomaaliya.
Shabeellaha Hoose
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, oo ka tirsan ciidamada gaarka ah, ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen Al-Shabaab, oo ku taal tuulada Yuumbis, oo 7 km u jirta deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Mareykanka
Shirkadda baabuurta korontada ee Tesla, oo fadhigeedu yahay Mareykanka, ayaa sheegtay in hoos u dhac dhan 13.5% uu ku yimaaday iibinta gawarida marka la barbar dhigo sanadkii hore, sida ay warbixinta shirkaddu ku sheegtay Arbacadii.
Istanbul
Afar qof oo loo heysto daabacaadda kartoon lagu sawiray Nabi Muuse iyo Nabi Maxamed oo ku jira joornaalka Leman ayaa maanta lagu xiray Turkiga. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Istanbul ayaa si dhaqso ah u bilaabay baaritaanka ka dib markii joornaalka satiraalka ee Leman uu daabacay sawirradaas, kuwaas oo loo arkay inay ku xadgudbayaan qiyamka diinta.