Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shaaciyay istiraatiijiyad qaran oo mideysan si wax looga qabto saameynta daran ee abaarta daba dheeraatay, gaar ahaan deegaannada miyiga.
Qorshahan ayaa lagu soo bandhigay kulan Cawa ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, kaasoo ay isugu yimaadeen wasiirrada ugu muhiimsan ee dowladda si ay uga wada hadlaan baaxadda dhibaatada iyo sidii si mideysan loogu wajahilahaa biyo la’aanta daran iyo cunto yari ka jirta deegaanada ay abaaruhu saameeyaan.
Madaxweyne Geelle ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in wasaarad kasta oo la xiriirta arrimaha abaarta ay kordhiso dadaalladeeda islamarkaana ay keento natiijo muuqata. Waxa uu sheegay in la kordhiyo isku xirka hay’adaha, iyadoo hagidda qorshahan laga dhigay masuuliyadda Ra’iisul Wasaaraha, Cabdoulkader Kaamil Maxamed.
Ra’iisul Wasaaruha ayaa balan qaaday in gargaar degdeg ah la gaarsiin doono dadka ay abaartu saameysay. “Caawinta ugu horreysa ee dowladda ayaa bilaaban doonta berri,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruha, isagoo xusay in Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Iskaashiga Qaranka ay biyo iyo cunto gaarsiin doonaan dadka ku sugan meelaha abaartu sida daran u saamaysay muddo 48 saacadood gudahood ah.
Qorshahaan wuxuu muujinayaa dadaalka Dowladda Jabuuti ee ku aaddan la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo u gurmashada dadka ay abaartu saameeyay, iyadoo la ballanqaaday in la bixin doono gargaar degdeg ah iyo mid waqti dheer ahba.