Saturday, July 27, 2024

Deg-deg: Deni oo mar kale loo doortay madaxweynaha Puntland

Garoowe (Dawan)- Siciid cabdullahi Deni ayaa mar kale loo doortatay inuu noqodo Madaxweynaha hoogaamin doona Mamaul Goboleedka Puntland shanta sano ee soo socota
Deni ayaa wareega seddexaad kaga adkaaday Guuleed Saalax Barre kadib markii uu helay codad gaaraya 45 halka Guuleed Saalax uu helay 21 cod.
Deni ayaa noqon doona Madaxweynihii ugu horeeyay ee Puntland-ta casriga hoggaamiya laba xilli oo is xiga.

Saciid Cabdullaahi Deni oo ku dhasahy Muqdisho sanandkii 1966-dii ayaa ka mid ah dadkii wax kasoo bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna soo noqday wasiirkii Qorsheynta Soomaaliya xilligii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Doorashada madaxtinimada Maamul Goboleedka waxaa isku soo taagay 11 musharrax oo ay ku jiraan musharrixiin hore uga soo qabtay xilal kala duwan gudaha Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Musharrixiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa horay u bixin jiray lacag dhan 20,000 oo dollarka Mareykanka ah, balse markan waxay bixiyeen 30,000 oo dollar, halka musharraxiinta Madaxweyne ku xigeennada ay bixiyeen 20,000 oo dollar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeey Siciid Deni dib u doorashadiisa, isaga sidoo kale bogaadiyay hannaanka ay kusoo idlaatay doorashada madaxtinimo ee Maamul Goboleedka Puntland.

Xamsa ayaa bartiisa Facebook ku qoray ” Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland”

Bilihi lasoo dhaafay waxaa Puntland ka taagnaa khilaaf xoogan uu ku saabsan sida loo qabanayo doorahada iyada oo la isku hayay in la aado doorashao qof iyo cod ah iyo in lagu galo doorashada hannaanakii lagu geli jiray ee beeluhu soo xuli jireen 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka.

kadib markii khilaafku gaaray meel sare, waxaa soo fara geliyay Isamada kasoo jeeda Puntland iyo Beesha Caalamka, taas oo keentay in Siciid Deni ka laabtay go’aankiisi ahaa inuu qabto doorasho toos ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here