Boosaaso (Dawan) – Boosaaso ayaa isku diyaarineysa doorashada guddoomiye cusub kaddib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka iyo duqa magaalada, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle). Doorashadu waxay dhacaysaa 9-ka bishaan.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Boosaaso, Bashiir Faarax Siciid, ayaa shaaciyay magacaabista guddiga qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha cusub. Wuxuu sheegay in magacaabista guddiga ay ka dambeysay markii xubnaha golaha deegaanka ay u glaadeen sida uu Dastuurka Puntland qabo.
“Caawa waxaan ku dhawaaqayaa magacaabista guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo duqa Boosaaso oo doorashadiisa la qaban doono 9-ka bishaan,” ayuu yiri Bashiir Faarax Siciid.
Guddigan ayaa ka kooban 7 xildhbana golada deeganka Boosaaso ah:
- Xildhibaan Yaasiin Cabdiwaaxid Dhahar (Guddoomiyaha)
- Cabdikariin Cali Yuuuf (Xoghaya)
- Maxamuud Axmed Samatar (Xubin)
- Cabdiraxmaan Hayaan Siciid (Xubin)
- Faadumo Madar Cumar (Xubin)
- Maxamed Cali Maxamed (Xubin)
- Muno Cabdullaahi Axmed (Xubin)
Doorashada guddoomiyahan ayaa imaaneysa kaddib is-casilkii Guddoomiyihii golaha deegaanka iyo duqa magaalada Boosaaso, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle), oo xilka hayay laba sano ee la soo dhaafay.