Tuesday, July 15, 2025

Orodyahannad Kenya oo Dhigtay Rikoor Caalami ah oo 5000 Mitir ah

Oregon (Dawan) – Orodyahannada Kenya ee labada jeer ku guuleysatay Olombikada ee la dhoho Beatrice Chebet, ayaa taariikh sameysay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee 5000 mitir ku oroda in ka yar 14 daqiiqo.

Chebet ayaa rikoorkaan cusub ku dhigtay 13 daqiiqo, 58.06 ilbiriqsi, iyadoo ku  burburisay rikoorkii hore ee 2.15 ilbiriqsi, kadib kulankii Prefontaine Classic ee Diamond League ee Mareykanka ka dhacay, Sabtidi.

Chebet oo rikoorka cusub ee 13:58.06 waxay ka jabisay rikoodhkii hore ee Tsegay oo ahaa 14 daqiiqo, Agnes Jebet Ngetich  oo Kenya  ka socotay ayaa ku dhammaystay kaalinta labaad iyadoo ku oroday 14:01.29, halka Gudaf Tsegay oo ka socota Itoobiya ay ku dhammaystiray tartanka kaalinta saddexaad waqti gaaraya 14:04.41.

Chebet, oo sidoo kale rikoorka caalamiga ah ku haysay 10,000 mitir sanadkii hore, ayaa muujisay waxqabad layaableh tartanka intii uu socday

Chebet, oo 25 jir ah, waxa  ay hadda haystaa rikoorada adduunka iyo koobabka Olombikada ee 5,000m iyo 10,000m.

Guushaan Chebet ayaa imaaneysa iyadoo ay xigaan silsilado ciyaaro ah oo Diamond League ah, kuwaas oo soo socda ka hor intaan la gaarin bilaabashada ciyaaraha fudud ee adduunka ee Tokyo, Japan bisha August ee sanadkaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here