Sunday, July 20, 2025
Array

Deni oo Digniin u Diray SSC-Khaatumo

Garoowe(Dawan)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa fariin adag u diray maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo ku eedeeyay faragelin aan sharci ahayn oo uu sheegay in ay ku hayaan arrimaha maamulka gobolka Sanaag — kaas oo uu sheegay inuu hoos yimaado Puntland.

Madaxweyne Deni oo hadalka ka jeediyay munaasabad uu tababar ugu soo xirayay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa sheegay in maamulka SSC-Khaatumo uu Faraha kala baxo  gobolka Sanaag maadama uu go’aansaday inuu maamul gooni ah noqdo.

“Waxaan rajaynaynaa inaad maamulkiina ku ekaataan oo aad joojisaan faragelinta aad ku hayaan gobolka Sanaag. Haddii kale, waxaad muteysan doontaan wax aydnaan mudneyn,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Puntland ay doorashooyin ka qabatay gobolka Sanaag, ayna ka hirgelisay hay’ado dowladeed oo rasmi ah, taasoo uu ku tilmaamay caddayn muujinaysa in maamulka Garoowe uu masuul ka yahay gobolkaas.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ciidamo u dirayso gobolka Sanaag, taas oo uu ku tilmaamay faragelin aan laga aqbali karin.

Gobolka Sanaag ayaa baryahaan ay sheekadiisa soo cusboonaatay iyadoo ay degaan qabaail kala duwan, sidoo kale maamul ahaantiisa ay isku heestaan Puntland, Somaliland, iyo SSC-Khaatumo. Mid kasta oo ka mid ah dhinacyadaasi waxa ay sheegtaan lahaanshaha gobolkaas, iyagoo ku salaynaya taariikh, qabiil, iyo maamul dowladeed.

Maamulka SSC-Khaatumo oo sheegta gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) ayaa dhowaan si rasmi ah u helay aqoonsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo u aqoonsatay inay yihiin maamul-goboleed ka tirsan federaalka. Arrintan ayaa keentay muran hor leh oo ku saabsan awoodda maamul ee gobolladaas, gaar ahaan Sanaag oo ah halka ugu xasaasisan ee ay saddexda dhinac isku hayaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here