Sunday, July 20, 2025

Soomaaliya oo beenisay inay ciidamo geysay Sool iyo Sanaag

Muqdisho (Dawan)Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay eedeymaha ka imaanaya Somaliland iyo Puntland ee ah in ciidamo ay geysay gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo ku tilmaantay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa qoraal uu ku soo bandhigay bartiisa Facebook kaga hadlay eedeymahaasi, isagoo sheegay in aysan jirin wax xaqiiqo ah oo muujinaya eedahaas. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in ciidamada Soomaaliya aysan u dirin Sool iyo Sanaag, isla markaana aysan jirin sabab loo geeyo ciidamo halkaas.

Waxaan caddaynaynaa in Dowladda Federaalka ah aysan ciidan u dirin Gobolka Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan, ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Somaliland iyo Puntland ayaa labada ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ku lug leedahay faragelin ciidan oo ka dhacaysa gobolladaas.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Cali Ayaanle, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka talaabsatay hawlihii loo igmaday, isagoo sheegay inay faragelin ku hayso gobol ay Somaliland sheegato inay ka tirsan tahay dhulkeeda.

Xasanow, Cawaaqibka waxaa ka dhasha ciidamada aad usoo dirayso Sanaag adiga qaadaya oo cidi kula yeelan meyso, ayuu yiri wasiir Axmed Yaasiin.

Somaliland ayaa sheegata in degmooyinka gobolkaan oo ay ku jirto magaalada Ceerigaabo, oo caasimad u ah gobolka, ay iyada leedahay.

Sidoo kale, Puntland ayaa qeeb ka sheegata gobolka Sanaag iyadoo sheegatay in maamulka gobolka hoos yimaado.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in eedeymaha ka imaanaya Somaliland iyo Puntland ay yihiin kuwo aan lahayn caddeyn dhab ah, wuxuuna tilmaamay in ay tahay tabar darro ay ka hor istaagaan rabitaanka dadka deegaankaas oo ay taasi ku qasabtay.

Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa qeyb ka ah gobollada saddexda ah ee maamulka SSC-Khaatumo uu qeeb ahaan sheegato, kaasoo Dowladda Federaalka ay aqoonsatay inuu yahay maamul rasmi ah oo ka tirsan dowlad goboleedyada Soomaaliya. Maamulka ayaa hadda ku jira dhammeystirkiisa ugu dambeeyey ee inuu noqdo dowlad goboleed.

“Nidaamka Federaalka ah waa nidaam dalku qaatay oo dastuuri ah, hirgelintiisa iyo dhowristiisuna cid walba ay ku tahay waajib, ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Inkastoo Dowladda Federaalka ay beenisay eedeymahan, haddana xaaladda ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo khilaafaadka ka dhex jira gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland, Puntland, iyo SSC-Khaatumo uu sii kordhayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here