Sunday, July 20, 2025

Wararka Dunida oo Kooban

Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Isniintii booqasho ugu tagay ciidamada Mareykanka ee ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee ka howlgala Jubaland, isagoo uga mahadceliyey taagerdodda.

Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay eedeymaha ka imaanaya Somaliland iyo Puntland ee ah in ciidamo ay geysay gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo ku tilmaantay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

Jabuuti

Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) ayaa sheegtay in 22 shaqaale badmareen ah oo saarnaa markabka MV Magic Seas oo wata calanka Liberia laguna weeraray Badda Cas, meel ku dhow xeebta Hudaydah, la badbaadiyay laguna soo dhaweeyay dekedda Jabuuti Isniintii.

Jabuuti

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Isniintii si rasmi ah u daahfurtay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sano ee soo socota (2025–2030), kaasi oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha dalka, wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, iyo xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Moqokori

Maxamed Cabdi Waare, Ku Xigeenka Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda amni ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Al-Shabaab aysan hadda ahayn mudnaanta koowaad ee dalka, taasoo ka dhalatay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha.

China


Wafdi ka socda wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya oo tababar ku jooga Shiinaha, ayaa booqday dekedda Tianjin kaa soo qeeb ka ah Iskaashiga labada dal ee ku saabsan horumarinta kaabayaasha badda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here