Saturday, July 19, 2025

QM oo ka digtay hoos-u-dhaca ku yimid gargaarka Soomaaliya

Muqdisho(Dawan)– Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-duwidda gargaarka bini’aadantinimo (OCHA) ayaa ka digtay in hoos u dhaca ba’an ee ku yimid maalgelinta gargaarka Soomaaliya uu halis gelinayo malaayiin qof oo u baahan kaalmo naf-badbaadin ah.

Warbixin cusub oo ay OCHA soo saartay Talaadadii ayaa lagu sheegay in gargaarka cuntada uu hoos u dhacay in ka badan 50% marka la barbar dhigo isla muddadii sanadkii hore. Saameynta waxaa si gaar ah loogu arkay hoos u dhaca quudinta carruurta, hooyooyinka uurka leh iyo adeegyada caafimaad ee muhiimka ah.

OCHA waxay sheegtay in Soomaaliya ay hadda wajahaysa xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran, iyadoo 4.6 milyan oo qof ay la tacaalayaan cunno-yari, halka 1.8 milyan oo carruur ah ay la kulmayaan nafaqo-xumo sanadkan 2025.

Waxaa kaloo warbixinta lagu xusay in:

150 xarumood oo caafimaad ay xirmeen lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan.

28 xarumood oo nafaqo ah oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe ay halis ugu jiraan in la xiro dhammaadka bishan.

20 xarumood oo quudin ah oo ku yaalla gobolka Banaadir ay xirmayaan, taas oo khatar gelinaysa in ka badan 12,700 carruur ah.

Kooxaha caafimaadka guurguura ee Koonfur Galbeed ay hoos uga dhaceen 74 koox ilaa 25.

79 xarumood caafimaad oo ku yaal Puntland, oo ay ku jiraan dhamaan 29 xarumo dowladeed, ay xirmeen tan iyo horraantii sanadka.

Sidoo kale, maalgelinta loo baahan yahay ee loogu talagalay sanadka 2025 ayaa lagu qiyaasay $1.4 bilyan, balse ilaa hadda waxaa la helay wax ka yar 15% — iyadoo qeybaha nafaqada iyo cunada kaliya la maalgeliyay 3% iyo 5% siday u kala horeeyaan.

“OCHA waxay ka walaacsan tahay in haddii aan la helin dhaqaale degdeg ah oo joogto ah, ay dhibaatada bini’aadantinimo ee Soomaaliya sii xumaan doonto, taasoo horseedaysa dhibaatooyin  laga hortegi karo iyo khasaare naf la’aan,” ayaa lagu yiri digniinta OCHA.

OCHA waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah u kordhiso taageerada, si loo xakameeyo hoos u dhaca adeegyada muhiimka ah iyo in la badbaadiyo nolosha dadka ugu nugul ee Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here