Saturday, July 27, 2024

Garoowe: Waa Sidee diyaar garoowga caleema saarka madaxweyne Deni?

Garoowe (Dawan)- Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamul Goboleedka Puntland waxa ay ku jirtaa maalmihii ugu mashquulka badnaa ee soo mara waayadaan.

Waxaa magaalada kusii qulqulaya Madaxda kala duwan ee Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, siyaasiyiin iyo madax hore kuwaas oo dhamaantood ka qey gelaya caleema saarka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo shan sano oo kale sii hoggaamin doona maamulkaas.


Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guul weyn ka gaaray doorasho dadban oo 8-dii bishaan ka dhacday Garoowe ayna kula tartameen 10 musharrax oo kale.

Diyaar garoowga weyn ee ka muuqda Madaxtooyada Puntland iyo tirada siyaasiyiinta ee ka qey gelaya caleema saarka Deni, waxaa loo arkaa dhoolatus siyaasadeed oo aan noociisa horay loo arag.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu weyn madaxda ka qeyb geleysa caleema saarka Deni, inkasta oo khilaaf siyaasadeed ka dhax jiray labadooda waayadaan.

“madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaaya Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland 2024-2029”. ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.



Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa isagu ka maqan caleema saarka iyada oo lala xiriirinayo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhax galay Siciidi Deni.

Wafdi ka socda Dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Muumin Xasan Barre , uuna qeyb ka yahay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Maxamed Rashiid ayaa qeyb ka ah martida ka qeyb geleysa caleema saarka Deni iyo ku xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor.


Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxeyna ciidamadu gaaf wareegayaan dhammaan waddooyinka muhiimka ah, si ay u xaqiijiyaan ammaanka martida culus ee magaalada ku sugan.

Doorashadii 8-dii January ee dib loogu doortay Madaxweyne Deni ayaa Puntland ka saartay xaalad hubanti la’aan ah oo sannadkii ugu dambeeyay ay ku jirtay, dibna ugu soo celisay xasilloonidii uu maamulkaas caanka ku ahaa.

Xukuumadda iyo Mucaaradka ayaa isku khilaafsanaa sida loo qabanayo doorahada iyada oo la isku hayay in la aado doorashao qof iyo cod ah iyo in lagu galo doorashada hannaanakii lagu geli jiray ee beeluhu soo xuli jireen 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka.

kadib markii khilaafku gaaray meel sare, waxaa soo fara geliyay Isimada kasoo jeeda Puntland iyo Beesha Caalamka, taas oo keentay in Siciid Deni ka laabtay go’aankiisi ahaa inuu qabto doorasho toos ah.

Maamul Goboleedka Puntland waxaa dhidibada loo taagay 1998-kii, taas oo ka dhigtay maamulkii ugu horreeyay ee federaal ah oo dalka laga hirgeliyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here