Bari (Dawan) – Ciidamo ka tirsan Hawlgalka la-dagaallanka argagixisada ee Puntland ayaa howlgal militari ka bilaabay maalintii Axadda buuraha Cal Miskaad, iyagoo beegsaday goobo ay sheegeen in ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan kooxda Daacish.
Qoraal lagu daabacay barta rasmiga ah ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland Axaddii ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ka socdo deegaanka Ceelka Rasaqan ee Yucrin, oo ku yaalla buuraleyda dhagaxaanta badan ee gobolka Bari.
“Ciidanku waxay maanta wadaan howlgal sifeyn ah oo ka dhan ah firxadka argagixisada, kaasoo ka socda Ceelka Rasaqan ee deegaanka Yucrin, Buuraleyda Calmiskaad,” ayaa lagu yiri qoraalka Hawlgalka .
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in goobtaasi horay loogu arkay dagaallamyaal ka tirsan Daacish oo ay la socdeen haween iyo carruur ajaanib ah.
Sidoo kale, warbixintu kama aysan hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka, mana jirto faahfaahin ku saabsan cida la qabtay ama la dilay.
Buuraleyda Cal Miskaad ayaa horey loogu tilmaamay inay yihiin dhul ay adeegsadaan kooxaha hubeysan ee Daacish.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa horay u sheegay in howlgalka hadda socda uu qeyb ka yahay wejiga ugu dambeeya ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, iyaga oo ku adkeysanaya in badankood laga saaray dhulka buuraleyda ah.