Muqdisho(Dawan) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daauud Aweis, ayaa shaaciyey caawa in Muqdisho, caasimadda dalka, ay ka gudubtay 500,000 oo codbixiyeyaal ah oo is-diiwaangeliyey, iyadoo ay socoto hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinka hal qof iyo hal cod. Diiwaangelintan ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Muqdisho 15-kii Abriil 2025, waxayna hadda ku dhowdahay inay u booxsanto muddo saddex bilood ah iyadoona weli socoto.
“Socdaalka Soomaaliya ee dimuqraadiyadda ayaa xawli ku socda! Muqdisho waxay gaartay in ka badan 500,000 oo codbixiyeal ah… Tani waa tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday xasillooni, midnimo, iyo dowladnimo loo dhan yahay.”ayuu ku yiri wasiir Daauud bartiisa X.
Sida laga soo xigtay qiyaasaha ugu dambeeyay ee tirakoobka Dadweynaha Adduunka, tirada dadka Muqdisho ee sanadka 2025 waa ku dhawaad 2.8 milyan qof. Tirada codbixiyeyaasha la diiwaangeliyey waxay ka dhigan tahay in ku dhawaad 17% dadka magaalada ay iska diiwaan geliyeen.
Waxaa muhiim ah in la xuso in tirada diiwaangelinta ee hadda la shaaciyey ay ka timid oo keliya Wasiirka Warfaafinta, halka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), oo ah hay’adda mas’uulka ka ah doorashooyinka, aysan weli si rasmi ah u xaqiijin tiradan.