Muqdisho(Dawan) – Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya xarun lagu tababaro ciidamada oo ay maalgeliso dowladda Ingiriiska. Xilwareejintan ayaa Khamiistii ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, iyadoo kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah uu ku dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u soo magacawday Soomaaliya Charles King.
Xaruntan, oo horey u ahayd xarun tababar oo ay Boqortooyadu maamusho, ayaa hadda hoos imaan doonta maamulidda Soomaaliya, waxaanay xarun u noqon doontaa xoojinta awoodda hawl-gal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).
“Xarunta Baydhabo waxay muhiimad gaar ah u leedahay horumarinta xirfadda ciidankeena iyo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi, isagoo u mahadceliyey dowladda UK taageerada joogtada ah.
War qoraal ah oo lagu daabacay bogga X, safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa ku tilmaantay wareejinta inay qayb ka tahay ballan-qaadkeeda Soomaaliya oo ammaan ah, iyadoo intaas ku dartay: “Iskaashiga amniga UK iyo Soomaaliya wuu ka xoog badan yahay sidii hore.”
Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dowladood oo uu ka mid yahay u qeybsanaha difaaca Ingiriiska ee Soomaaliya, James Edwards.
Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Soomaaliya ay sheegtay inay sare u qaadayso ololaha dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka.