Monday, July 21, 2025

Ruushka oo martigeliyay warbaahinta Afrika

MOSCOW (Dawan) – Wafuud ka socotay warbaahinta dalal Afrikaan ah, oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya, Tuuniisiya, Kiinya, Zambia iyo Masar, ayaa dhammaystiray booqasho shan maalmood socotay oo ay ku tageen magaalada Moscow, kadib martiqaad rasmi ah oo ka yimid dowladda Ruushka. Ujeedadu waxay ahayd in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga cuntada, hal-abuurka dhanka beeraha, iyo wadashaqeynta warbaahinta.

Wariyeyaasha ayaa booqday xarumo horumarsan oo ku takhasusay cilmi-baarista abuurka, warshadaha cuntooyinka, iyo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah sida Garaadka Macmalka ah (AI) si loo horumariyo wax-soo-saarka beeraha, gaar ahaan dalalka ay saameeyeen abaaraha iyo isbeddelka cimilada.

Booqashada ayaa waxaa qayb ka ahayd jaamacadda caanka ah ee MSHA K.A. Timiryazev, oo ah hay’ad tacliimeed oo caan ku ah cilmi-baarista dhanka beeraha, isla markaana ay dhigtaan arday badan oo Afrikaan ah. Sida ay sheegay Wakaladda Wararka Jabuuuti Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa si cad u muujiyay rabitaankooda ah in arday Jabuutiyaan ah lagu kordhiyo jaamacaddaas, taas oo ay si diirran u soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta Ruushka: “Gacmo furan ayaanu ku soo dhoweyneynaa,” ayay yiraahdeen.

Kulamada lagu falanqeynayay doorka Garaadka Macmalka ah-da iyo horumarka tignoolajiyadda beeraha ayaa diiradda saaray sidii dalalka Afrika loogu wareejin lahaa aqoonta iyo xirfadda ay Ruushku leeyihiin si wax looga qabto saameynta abaaraha iyo sugnaanta cunto.

Intii lagu guda jiray booqashada, wakaaladda wararka Jabuuti ee ADI waxay kala saxiixatay heshiis wadashaqeyn oo dhexmaray iyaga iyo wakaaladda warbaahinta Ruushka ee Sputnik. Heshiiskan ayaa lagu doonayaa in la xoojiyo isdhaafsiga wararka, tababarrada xirfadeed, iyo iskaashi warbaahineed oo ku saleysan arrimaha horumarka iyo xiriirka Afrika–Ruushka. Agaasimaha Guud ee ADI, Abdourazak Ali Diràneh, ayaa hoggaaminayay wafdiga Jabuuti. Booqashadan ayaa imaneysa xilli Ruushku uu sii xoojinayo xiriirka uu la leeyahay qaaradda Afrika, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, amniga cunto iyo warbaahinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here