Monday, July 21, 2025

Premier Bank oo dhimay qiimaha MasterCard.

Muqdisho (Dawan) – Premier Bank ayaa Sabtidii ku dhawaaqay qiimo-dhimis weyn oo ku saabsan kaararka MasterCard ay bixiso. Kaarka caadiga ah (jireed) wuxuu noqonayaa $2, halka kaarka internet-ka (dhijitaalka ah) laga dhigay $1. Ololahan xaddidan ayaa ujeedkiisu yahay in kor loo qaado helitaanka adeegyada lacag-bixinta caalamiga ah.

Bangkigu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in dhammaan macaamisha ku adeegta Point-of-Sale (POS) iyo e-commerce ay ahaan doonaan bilaash muddada ololaha socdo.

Tallaabadan ayaa timid xilli tartanka u dhexeeya bangiyada Soomaaliyeed uu kordhayo, iyadoo bangiyo badan ay bilaabeen bixinta kaararka MasterCard iyo VisaCard si ay uga jawaabaan baahida sii kordheysa ee adeegsiga adeegyada maaliyadeed ee danabeesan.

“Waxaan rabnaa in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay helaan adeegyo maaliyadeed oo casri ah,” ayuu yiri Axmed Nuur Maxamed, oo ka tirsan Premier Bank.

Premier Bank waa bangi u shaqeeya si waafaqsan shareecada Islaamka, wuxuuna leeyahay ruqsad rasmi ah oo uu ka helay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Bangigu wuxuu sidoo kale bixiyaa adeegyada bangiyada mobilka, internet-ka, ATM-yada, iyo adeegyo ganacsiyeed.

MasterCard ayaa ah shirkad weyn oo caalami ah oo lacagaha danabeesan ku shaqeysa, waxayna ka shaqeysaa in ka badan 210 dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here