Puntland (Dawan) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijisay in markab lagu magacaabo SEA WORLD, oo siday hub, lagu hayo xeebaha gobolka Bari. Markabkan ayaa kusoo xirtay Puntland 18-kii Luulyo 2025, waxaana arrintan – oo la shaaciyay maalintii xigtay – ay dhalisay falcelin culus oo dhanka amniga iyo siyaasadda ah.
Waa Maxay SEA WORLD?
Sida laga soo xigtay xogta rasmiga ah ee madasha MarineTraffic, SEA WORLD waa markab xamuul guud ah (General Cargo Ship) oo laga leeyahay Jasiiradda Komoros. Wuxuu leeyahay IMO: 9324411, wuxuuna kasoo baxay Izmir, Turkiga, isagoo ku wajahnaa magaalada Muqdisho, Soomaaliya.
Tilmaamaha farsamo ee markabka:
- Dhererka: ku dhowaad 80 mitir
- Culeyska xamuulka: 2,838 tan
- Goobta lagu sameeyay: Shiinaha
- Shixnadda saaran: hub iyo gawaari gaashaaman.
Maxaa Dhacay?
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in ciidamada amniga badda ee Puntland ay qabteen markabkan kadib markii uu kusoo xirtay xeebta Bareeda, sababo la xiriira dabaylo xoogan oo badda ka dhacay.
“Markab hub sida oo kaga soo gabaday xeebta Bareeda dabaylo darteed, ayaa ay qabteen ciidanka amniga Puntland. Amnigiisuna waa la sugayaa, baaritaan buuxa ayaa socda. Wixii kasoo kordha waanu la wadaagi doonnaa warbaahinta,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Raas Casayr ayaa sheegay in hadii hubkaas uu yahay mid sharci dara ah iyo mid deeq ahba uu ku jiro gacan badbaado oo uu sheegay in ay Puntland ay tahay gacantaas uusanna ku baxayn labadaas wado.
“Haddii markabkan uu khatar ku ahaa Puntland, Soomaaliya iyo dunidaba, dowladda Puntland ayaa si buuxda u qabatay. Haddii uu ahaa deeq milatari oo Soomaaliya loogu talogalay, maanta wuxuu ku sugan yahay meel dagaal toos ah lagula jiro kooxaha aragagaxisada ah.” ayuu yiri Cumar Cismaan Siciid.
Hub Dowladeed oo Ku Raran Markab Ganacsi
Mas’uul ka tirsan hay’adaha amniga, oo codsaday in aan la magacaabin, ayaa u sheegay Dawan Africa in hubka la qabtay uu yahay mid dowladeed, balse lagu raray markab ganacsi gaar loo leeyahay.
Ilaa iyo hadda, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo dowladda Turkiga midna kama aysan bixin wax faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan:
- Ujeedada rasmiga ah ee shixnadda
- Cidda hubka loo waday
- Sababta loogu raray markab ganacsi
Tani waxay dhalisay su’aalo culus oo la xiriira hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada.
Warqad Baaris oo La Shaaciyay
Warar rasmi ah ayaa sheegay in qaybo ka mid ah hubkii saarnaa markabka SEA WORLD ay galeen gacanta dad rayid ah oo ku sugan Bareeda iyo Caluula. Qaar ka mid ah Warbaahinta gudaha ee Puntland ayaa baahisay sawirro muujinaya dad gacanta ku haya hub ay ku sheegeen in uu yahay hubkii markabka saarnaa, walow aysan jirin xaqiijin intaas ka baxsan.
Warqad rasmi ah oo uu diray Xeer-ilaaliyaha Gobolka Raas Casayr, Abdirahman Mahamuod Ali, kuna taariikheysneyd 19-ka Luulyo 2025, ayaa lagu amray Taliska Booliska Gobolka Raas Casayr in ay soo gudbiyaan:
- Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan shixnadda markabka
- Xog dhammeystiran oo ku saabsan dadka saarnaa
- Cidda mas’uulka ka ahayd in hubkaasi u gacan galo dad rayid ah
Warqaddan oo ay soo dusisay warbaahinta maxalliga ah ee Raascasayr ayaa lagu muujisay baahida degdegga ah ee loo qabo baaritaan rasmi ah.
Halista Amni ee Gobolka
Xeebaha gobolka Bari waxay ku yaallaan marin-biyoodka Bab el-Mandeb iyo Gacanka Cadmeed, oo ka mid ah meelaha ugu istiraatiijisan ee isku xira badaha caalamka. Khubaro amni ayaa ka digaya in hubka aan la xakameyn ee gudaha Soomaaliya uu sababi karo khataro amni oo ku wajahan Geeska Afrika iyo danaha ganacsi ee caalamka.
Dhacdo Hore
Bartamihii July 2024, waxaa la xaqiijiyay in hub ay dowladda sheegtay inuu sharci-darro ahaa lagu soo dajiyay deegaano ka mid ah Galmudug, halkaasoo uu gacanta u galay dad deegaanka. Soo dejintaas isku dhac ka dhashayna uu sababay dagaal dhimasho dhaliyay.
Tani waxay astaan u noqonaysaa kiisaskii ugu horreeyay ee la diiwaangeliyay ee ah in dad rayid ah ay galaan hubka la soo dejiyo ee Soomaaliya tan iyo markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaaday cunaqabateynta hubka bishii December 2023, isagoo soo afjaray xannibaado jiray tan iyo 1992-kii.