Wednesday, July 23, 2025
Array

Kenya Oo ku Garaacday Danab Garoonka Kismaayo

Kismayo (Dawan ) – Ciyaar kubadda cagta oo lagu qabtay garoonka cusub ee diryaaradah ee Kismayo Axadii, ayaa waxaa koobkiii guusha soo qaaday ciidamada Difaaca Kenya ee KDF, iyagoo ku garaacay ciidamada Somali National Army (SNA) ee Danaab 2-1, taas oo qayb ka ahayd tartan socday muddo bil ah oo lagu xoojiyay iskaashiga iyo dhiirrigelinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya.
Sida uu sheegay Hawlgalka Midowga Afrika ee Xasilinta iyo Taageerada Soomaaliya(AUSSOM), tartankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu taageerayo midnimada iyo xiriirka ka dhexeeya ciidamada amniga ee dalka.
“Tartankan oo socday muddo bil ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo niyadda ciidamada ammaanka” ayaa lagu yiri qoraalka AUSSOM.
Tartankan oo ay ka qayb qaateen kooxo ka kala socday qaybaha kala duwan ee ciidamada sida ciidmada Booliska Sierra Leone (SLFPU), ciidanka Danaab, ciidamka Aminga ee karoonka cusub ee diyaaradaha Kismayo, iyo kooxo kala duwan oo ka tirsan KDF, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay fursad lagu xoojinayo wada-shaqaynta ciidamada kala duwan ee ku sugan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here