Wednesday, July 23, 2025

Soomaaliya iyo Switzerland oo saxiixday heshiis lagu xoojinayo socdaalka

Muqdisho (Dawan)Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa saxiixday heshiis ay la galeen Switzerland si loo xoojiyo adeegyada socdaalka Soomaaliya iyo amniga xuduudaha.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, heshiiska ayaa la saxiixday Talaadadii, kadib kulamo dhexmaray Mustafa Duhulow oo ah Agaasimaha Guud ee HSJ, iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday waaxda socdaalka, amniga, cadaaladda, iyo arrimaha dibedda ee Switzerland.

“Iskaashigan wuxuu miro dhalayaa wuxuuna ka qayb qaadanayaa horumarinta adeegyada socdaalka,” ayuu yiri Mustafa Duhulow, Agaasimaha Guud ee HSJ, sida ku xusan war-saxaafadeedka rasmi ah.

Heshiiska ayaa diiradda saaraya horumarinta kaabayaasha socdaalka Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo baaritaanka dukumiintiyada socdaalka been-abuurka ah iyo hufnaanta nidaamyada amniga xuduudaha.

Sido kalesida ay xustay Hay’adda , Switzerland waxay siin doontaa agab farsamo iyo tababaro shaqaalaha socdaalka Soomaaliya si loo xoojiyo awooddooda bariista dukumiintiyada socdaalka iyo maamulka amniga xuduudaha si hufan.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay in qodob muhiim ah oo heshiiska ka mid ah uu yahay xoojinta nidaamka baasaboorka Soomaaliya, iyadoo khuburo ka socota Switzerland ay gacan ka geystaan geeddi-socodka bixinta baasaboorka iyo horumarinta nidaamka aqoonsiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here