Muqdisho (Dawan) – Warbixin cusub oo ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa muujinaysa in dakhliga gudaha ee dalka uu gaaray $369.4 milyan sanadka 2024, taasoo ah koror 12% ah marka loo eego sanadkii hore. Kororkani ayaa waxaa uu ka imaaday kororka canshuuraha dakhliga iyo canshuuraha iibka.
Warbixintaan ayaa lagu soo bandhigay Munaasabad lagu soo bandhigay Warbixinta Waxqabadka Sannadlaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda 2024 oo ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay munaasabadda, isagoo sheegay in dowladda ay gaartay guulo muhiim ah oo ku saabsan maamulka maaliyadeed. Waxa uu sidoo kale ka soo sheegay in warbixintani ay muujinayso horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.
“Waxaan rabnaa inaan bogaadinno muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, kuwaas oo si weyn uga qayb qaadanaya bixinta canshuuraha,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac, isagoo ka hadlay kororka dakhliga iyo taageerada shacabka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa sidoo kale ka hadlay warbixinta, isagoo sheegay in kororka dakhliga ee 88% ee saddexdii sano ee la soo dhaafay uu muhiimad gaar ah u leeyahay. Wasiirku waxa uu tilmaamay in 80% ka mid ah kororkan uu yahay canshuuraha, waxaana uu sheegay in la filayo in dadaallada canshuuraha lagu sii wado si loo gaaro horumarka joogtada ah ee dalka.
“Dakhligeenna ayaa kordhay 88% saddexdii sano ee la soo dhaafay, iyadoo 80% ka mid ah ay ahayd canshuuro, waxaana muhiim ah in aan sii wadno kororka canshuuraha,” ayuu yiri Wasiir Biixi Imaan Cige.
James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya si loo gaaro Hadafka Horumarinta Waara (SDGs).
“Waxaan taageereynaa dadaalladiina, waxaana si adag u heegan ugu nahay soo kabashada dhaqaalaha Soomalaiya iyo qorshayaasha dalka ee ku aaddan horumarka iyo mustaqbalka barwaaqo,” ayuu yiri James Swan.
Sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda Maaliyadda, kororka dakhliga gudaha ayaa ka dhashay kororka canshuuraha dakhliga iyo canshuuraha iibka. Canshuuraha dakhliga ayaa kor u kacay 48%, halka canshuuraha iibka ay kordheen 13.3%.
Dakhliga gudaha ayaa gaadhay qiyaastii $200 milyan, halka dakhliga kastamka uu ahaa $169 milyan. Isbeddelkan waxaa loo mahadcelinayaa nidaamka cusub ee maamulka canshuuraha, iyadoo la hirgeliyay Nidaamka Maamulka Canshuuraha Elektaroonigga (ETAS), taas oo fududeysay ururinta canshuuraha iyo kordhinta waxtarka.