Sunday, July 27, 2025

Soomaaliya oo soo dhawaysay Qorshaha Faransiiska ee Aqoonsiga Dowladda Falastiin

Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka dowladda Faransiiska ee ku saabsan inay aqoonsato Dowladda Falastiin, iyadoo ku tilmaantay tallaabadan “mid taariikhi ah oo mabda’ ah” sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jimcihii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warka kasoo yeeray dowladda Faransiiska uu xoojinayo xaqa shacabka Falastiin u leeyahay is-maamul iyo dowlad madax-bannaan, taas oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Tallaabadan muhiimka ah waxay caddayn u tahay xaqa ay dadka Falastiin u leeyihiin is-maamul iyo dowlad madax-bannaan, iyadoo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa mar kale muujisay taageeradeeda xalka laba dowladood ah, iyadoo sheegtay in qorshaha Faransiiska uu yahay tallaabo ku habboon waqtigan isla markaana la jaanqaadaysa dadaallada lagu raadinayo nabad waarta oo laga gaaro Bariga Dhexe.

Qoraalkan kasoo baxay Soomaaliya ayaa yimid iyadoo ay korortay taageerada caalamiga ah ee ku wajahan aqoonsiga Falastiin, gaar ahaan dalalka Yurub iyo bariga Afrika oo u ol’oleynaya xalka laba dowladood ah.

Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay taageerada ay u hayso dowladnimada Falastiin, iyada oo xustay cawaaqibta bini’aadantinimo ee ka dhashay khilaafka daba dheeraaday iyo baahida loo qabo xal siyaasadeed oo ku saleysan xeerarka caalamiga ah.

Inkasta oo dowladda Faransiisku aanay wali si rasmi ah u hirgelin aqoonsigaas dhanka diplomaasiyadda, haddana waxay sheegtay in bisha September ay qorsheeneyso taas oo lagu tilmamaay inay muujinayso isbeddelka siyaasadeed ee mid ka mid ah dowladaha ugu saameynta badan Midowga Yurub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here