Sunday, July 27, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Jabuuti, isagoo ku sugan booqasho rasmi ah oo hal maalin ah oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Garoowe

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Sabtidii si rasmi ah u xaqiijiyay in ciidamadoodu ay 25-ka Luulyo ka fuliyeen howlgal ka dhan ah shabakadda Daacishta Soomaaliya, iyagoo la kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Addis Ababa

Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay go’aanka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku sheegay in dowladdiisu qorsheyneyso inay aqoonsato Dowladda Falastiin, taasoo lagu sheegay inay la jaanqaadayso siyaasadda muddada dheer ee AU-da ee taageerta madaxbannaanida Falastiin.

Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka dowladda Faransiiska ee ku saabsan inay aqoonsato Dowladda Falastiin, iyadoo ku tilmaantay tallaabadan “mid taariikhi ah oo mabda’ ah” sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jimcihii.

Garoowe

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa Jimcihii sheegay in ay qabteen Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf, oo loo yaqaan Cabdiweli Walalac, oo ay shegeen in uu ahaa madaxa xiriirka dibadda iyo maaliyadda ee kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Shabeelada Hoose

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerar ay Al Shabaab Jimcihii aroortii ku qaadeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Muqdisho

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa markii ugu horreysay hirgeliyey nidaamyo qaran oo dhanka kormeerka badqabka dawooyinka iyo tallaalada ah, kuwaas oo loogu talagalay in si rasmi ah loo dabagalo looguna qiimeeyo halista iyo tayada dawooyinka la isticmaalayo. Sida ay ku dhawaaqday Xarunta Xakameynta Cudurrada ee Afrika (Africa CDC) 24 Luulyo 2025.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here