Mogadishu (Dawan) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo dib loogu soo celinayo shirkaddii diyaaradaha qaranka ee istaagtay 1991-kii
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la soo iibsaday laba diyaaradood oo cusub oo ah nooca Airbus A320, si dib loogu hawlgeliyo shirkaddii qaranka ee Somali Airlines – taasoo hawlaheeda istaagtay burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa lagu sheegay in diyaaradaha cusub ay yihiin bilowgii dib u dhiska shirkadda, ayna calaamad u yihiin iftiin cusub oo u baryay duulista Soomaaliyeed. Waxaa la filayaa in duulimaadyada rasmiga ah ay bilaabmaan labada bil ee soo socota.
“Waxaan maanta dib usoo celinay shirkaddii Somali Airlines oo 34 sano kahor ka baxday hawada. Waxaan maanta soo iibsanay laba diyaaradood oo noocoodu yahay Airbus A320,” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dhowaan lagu soo dari doono dhowr diyaaradood oo kale si loo xoojiyo qorshaha ay dowladda uga go’an tahay dib u dhiska Somali Airlines.
Somali Airlines ayaa markii hore la aasaasay sanadkii 1964-kii, iyadoo duulimaadyo caalami ah ku tagi jirtay magaalooyin ay ka mid yihiin Rome, Frankfurt, Qaahira, iyo Nairobi.
Soo celinta shirkaddan diyaaradeed ee qaran waxay qeyb ka tahay dadaalka ballaaran ee dowladda ku doonayso horumarinta dhaqaalaha, kobcinta dalxiiska, iyo fududeynta isu socodka bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda.
Airbus A320 oo ah diyaarad hal-jaranjarro ah (single-aisle) ayaa markii ugu horreysay la hawlgeliyay 1988, waxayna hadda tahay diyaaradda ugu iibka badan noocan. Shirkadda Airbus waxaa lagu aasaasay Faransiiska sanadkii 1970-kii iyadoo ay si wadajir ah u dhiseen dalalka Yurub si ay ula tartamaan shirkadaha Mareykanka ee dhinaca hawada sare.
Soomaali badan, gaar ahaan jiilka cusub, ma aysan helin fursad ay ku arkaan ama u raacaan Somali Airlines. Balse hadda rajadaasi waa la dareemayaa, waxaana la filayaa in mustaqbalka dhow ay mar kale hawada la wadaagaan calanka buluugga ah ee Soomaaliyeed.