Wednesday, December 4, 2024

Jubaland oo qeylo dhaan ka muujisay ciidamo gaaray Raas Kambooni

Kismaayo (Dawan)- Ciidamo ka tirsan guutada Gorgor ee millatariga Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka Raas Kambooni, oo ku yaalla qiyaastii meel 270 km kaga beegan koonfurta magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa halkaas lagu geeyay diyaarado, sida ay muujiyeen muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada. Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku sheegtay ujeeddada ciidamadan loo geeyay Raas Kambooni inay qayb ka tahay qorshaha ay sigidda amniga kala wareegayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Gorgor, Xasan Aadan Maxamed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inay sii laba jibbaari doonaan howlgallada ka dhanka ah ururuka Al-shabaab.

“Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxay si buuxda uga soo degeen garoonka Raas kambooni ee degmada Badhaadhe, iyada oo u jeedku yahay in ciidamadu la wareegaan dhamaan goobaha ay ciidamada aan walaalaha nahay ee ATMIS ay ka baxeen” sidaas waxaa yiri, Taliye Xasan Aadan

Dhanka kale, maamulka Jubaland ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid halis gelin karta xasilloonida gobolka, waxa uuna ku eedeeyay dowladda federaalka in ciidamada halkaasi loo geeyay si ay colaado looga huriyo deegaanka.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubaland, Axmed Madoobe ayaa yiri” Maanta waxaa la gaaray in ciidamo loosoo daldalo oo la geeyo Raas Kambooni, iyada oo looga jeedo in dagaalka Al-shabaab la joojiyo oo sidii 2013 shalay laysku laayo laakin ma dhaceyso”

Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland ayaa gaaray meeshi ugu sarreysay, waxaana la saadaalinaya inuu saamayn ku yeelan doono dhinacayda amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo guud ahaan dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here