(Garowe,Dawan) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka Gedo, gaar ahaan dagaallada dhawaan ka dhacay Beled-Xaawo, isagoo ku tilmaamay dagaaladaas kuwa salka ku haya siyaasad laga wado gudaha dowladda Federaalka.
Isagoo ka hadlayay xalay munaasabadda aasaaska Puntland, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in inkastoo deegaano kamid ah gobolka gedo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, haddana ay tahay arrin nasiib darro ah in ciidamadii Soomaaliyeed ee halbowle u ahaa dowladnimada ay dhexdooda isku dagaallaaan qeybo kamida Gobolka Gedo.
“Anagoo og in magaalooyin ay Al-Shabaab ku sugan tahay, haddana in ciidamada dowladda ay is dhexda ku laayaan waa nasiib darro. Mas’uuliyadda dagaalladan dowladda dhexe ayay dusha ka saaran tahay,” ayuu yiri Deni.
Wuxuu sidoo kale ka digay in hab-dhaqanka siyaasadeed ee dowladda Federaalka ay horseedi karto burbur aan laga soo kaban karin, isaga oo ugu baaqay in la joojiyo waxa uu ugu yeeray “dagaallo siyaasadaysan.
Hadalka Deni ayaa imaanaya iyadoo gobolka Gedo, gaar ahaan Beled-Xaawo, ay ka dhaceen dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka deegaanka. Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA), colaadahaas oo dhacay inta u dhaxaysay 22–26 Luulyo 2025, waxay sababeen barakaca in ka badan 38,000 oo qof.