Saturday, July 27, 2024

Ciidamada dowladda oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen shidaal loo waday AS

Mudug (Dawan)- Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 150  Jiiragaan (Labaatanle) oo shidaal, kadib markii ay sameeyeen howl gal lagu sugaayay amniga magaalada iyo deegaanada hoos taga.

Sida ay ciidadmu sheegeen, waxaa shidaalka loo waday kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda, waxaana sidoo kale la qabtay laba ruux oo lagu tilmaamay in ay ahaayen kuwa fududeynayay gudbinta shidaalka.

Howlgalka ciidamada oo ay fuliyeen kumaandooska Danab iyo  Gor-Gor ayaa ka dhacay deegaanka Howdley, waxaana baaritaano hadda lagu sameynayaa labadi qof ee lasoo qabtay.

Shidaalka waxaa lagu keenay doon, balse ciidamadu ma sheegin halka laga keenay iyo goobta sida tooska ah loogu waday.

Dhowr jeer oo hore ayay ciidamadu sheegeen in ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan, gacantana kusoo dhigaan hub iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda kooxda Al-Shabaab wax war ah kama saarin dhacdadaan, mana jiraan ilo madax bannaan oo sidoo kale ka hadlay arrintaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here