Muqdisho(dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya, Suleiman Dedefo Woshe, kaddib munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya.
Safiirka Itoobiya ayaa ka mid ahaa siddeed Safiir oo matalaya dalal kala duwan oo maanta loo aqbalay waraaqahooda aqoonsiga. Wadamadaasi waxaa ka mid ah: Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Kuuriyada Koonfureed, Mauritania, iyo Ciraaq.
Soomaaliya ayaa safiirka itoobiya u fadhiya Muqdisho dalka ka ceyrisay bishii April ee sanadkii 2024 ka dib heshiis is-afgarad muran dhaliyay ay Itoobiya la gashay Somaliland, balse isku dayo badan oo ay Turkiga garwadeen ka ahyd ayaa mar dhanbe isku soo dhaweeyay labada dhinac, iyada oo wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibaddda Soomaaliya uu sheegay in la soo dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac ee heshiiskii badda.
Imaanshiha safiirka cusub waxaa loo arkaa fursad dib loogu bilaabi karo xiriir rasmi ah oo labada dal u dhexeeya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka, ganacsiga, iyo iskaashiga xuduudaha.
Munaasabaddan ayaa ku soo beegmeysa xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto in ay ballaariso raadkeeda diblomaasiyadeed si ay u hesho maalgashi, taageero farsamo iyo xiriir siyaasadeed oo kor u qaada dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.