Thursday, August 7, 2025

Uk oo u furtay deeq waxbarasho Soomaalida

Muqdisho (Dawan)-Codsiyada deeqda caalamiga ah ee Chevening Scholarships 2025 ayaa si rasmi ah loo furay, taas oo siinaysa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo xirfadlayaasha fursad ay ku helaan waxbarasho Bilaash ah oo heer Master ah oo ay ka dhigtaan jaamacadaha UK.

Safaaradda Britain ee Soomaaliya iyo Xafiiska Chevening ayaa ku booriyay Soomaalida u qalanta in ay codsadaan deeqdan daboolaysa kharashaadka waxbarashada, nolosha, iyo safarka muddo hal sano ah.

Barnaamijkan waxaa loogu talagalay shakhsiyaad leh aqoon sare, hibo hoggaamineed, iyo go’aan adag oo ah inay dib ugu soo laabtaan dalkooda si ay u horseedaan horumar.

Sanadihii la soo dhaafay, kumannaan Soomaali ah oo ka faa’iidaystay deeqda Chevening oo noqday hoggaamiyeyaal ka shaqeeya dowladda, ganacsiga, warbaahinta, iyo bulshada rayidka, iyagoo door muuqda ka ciyaaray dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Codsadayaasha waxay xor u yihiin inay doortaan jaamacad iyo koorso kasta oo UK ka jirta oo u qalanta, iyagoo fursad u helaya in ay bartaan cilmi kor u qaadaya baahida Soomaaliya sida sharciga, siyaasadda, caafimaadka, deegaanka, saxaafadda, ama wax kale oo sare u qaadaya noloshooda.

waa kan link-ga Deeqda waxbarasho : http://chevening.org

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here