Monday, April 15, 2024

Is hortaagga wax ka bedelka Dastuurka, waa is hortaagga horumarka dalka iyo dadka

Muqdisho (Dawan)- Is hortaagga wax ka bedelka Dastuurka, waa is hortaagga horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxaa qoray, Cali Maxamed Geedi, Ra’iisul Wasaaarihii hore ee Soomaliya.

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen in aan dastuurka la dhamaystiri karin inta ay maqan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Puntland iyo Somaliland ma maqna ee wakiilladii matalayay labada Aqal ee Baarlamaanka ayay dhex fadhiyaan oo ka shaqaynayaan; sidoo kale waxay ka mid yihiin Golaha xukuumadda ee lagu jaangooyo siyaasadda qaranka.

Mudane Shariif iyo Mudane Farmaajo waxay la hadlayaan mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaasna waxay xaqirayaan oo iska indhatirayaan in xildhibaannada iyo senatarradu ay matalaan shacabka iyo dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed.

Marka hore labada Madaxweyne waxaan kula talinayaa, waa xildhibaannee, in afkaartooda iyo aragtidooda ay baarlamaanka geeyaan. Midda kale, siyaasadi waa matalaad, madaxda dowlad-goboleedyaduna iyaga ayaa shacabkeenna u soo dooray wakiillada siyaasadda ee goleyaasha qaranka oo iyagu xaq u leh wax ka beddelka dastuurka.

Inteenna kale ee siyaasiyiin ama waxgarad kale ah talooyin ayaan ku kordhin karnaa, go’aankase Baarlamaanka ayaa iska leh.

Musalsalkii wax ka beddelka Axdigii federaalka KMG ahaa:

1) Axdi-qarameedkii federaalka ku meelgaarka ahaa ee Baarlaamaankii 7-aad ayaa ka beddelay qodobkii ku koobayay in xubnaha Golaha Wasiirrada laga dhex magacaabo Baarlamaanka, kaddib soo jeedintii shirweynihii ergadii saddexda kun (3,000) ee dib u heshiisiintii bulshada rayidka ah, Muqdisho 2007 uuna shirguddoomiyay AUN Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed. Go’aankaas waa lagu caano maalay oo waxaa meel martay in la magacaabi karo wasiirro aqoonyahanno – waayo-aragyo ah oo aan xildhibaanno ahayn.

2) Sannadkii 2012 markii dowladda laga saarayay kumeelgaanimada, dowladdii MW Shariif iyo ergooyinkii 825-kii xubnood ahaa ee shirweynahaas waxay beddeleen muddo xileedkii dowladda ee 5-ta sano oo ku qornaa Axdigii Federaalka KMG ahaa, waxayna u beddeleen muddo xileed 4 sano ah.

Go’aankaas laguma faa’iidin oo wuxuu yareeyay muddada loo adeegayo shacabka Soomaaliyeed; sababtoo ah sannadka 1-aad wuxuu ku dhamaadaa dowlad dhis ilaa xukuumad cusub, xilal kala wareejin iyo in maamulka cusub uu la qabsato nidaamka shaqada iyo hawlaha la xiriira ee gudaha iyo dibedda; sannadka dambena waxaa qaata olole doorasho.

Haddaba, sow ma habboonayn in aan la beddelin muddo xileedkii 5-ta sano ahaa si bulshada loogu shaqeeyo saddex (3) sano ? Halka lagu soo koobay laba (2) sannadood ?

3) Wax ka beddelka Dastuurku waa waajib shaqo qaran oo saaran mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad; halka is hortaagga siyaasiyiinta ay ugu horreeyaan labada Madaxweyne ee hore Shariif iyo Farmaajo uu yahay curyaaminta danta ummadda Soomaaliyeed iyo jiilalkeeda mustaqbalka.

Cid laga yeelayo ma jirto shaqadii aan anigu qaban waayay ama dayacay, yaanay qabanin cid kale. Waa ayaan darro in 17 sannadood kaddib goob lala soo istaago Dastuurka yaan la dhamaystirin iyadoo aan wada ognahay in musharrax madaxweyne kasta uu ku soo olaleeyay “haddii lay doorto, dastuurka waan dhamaystirayaa”. Ballanqaadkan ma waxaa laga dhiganayay jaranjaro lagu koro kursiga talada dalka kaddibna layska tuuro?

Haddii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ka dhabeeyay ballanqaadkii ololihiisii doorashada, ma lugaha ayaa la qabanayaa?

Sidaas darteed, shacabka Soomaaliyeedow garo dantaada oo ku taageer Baarlamaanka ku matala gudashada waajibkiisa dastuuriga ah, ilaalinta dantaada iyo qaranimada Soomaaliyeed guud ahaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here