Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Amniga oo laga taageero, ciidamada xooga dalka oo loo qalabeeyo, iyo horumarinta awooda hay’adaha amniga dalka ayay Soomaaliya kala hadashay Xafiiska taagerada qaramada modoobay ee Soomaaliya(UNSON).
Muqdisho
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa maanta sheegtay in la hirgeliyay adeeg cusub oo danabeysan oo ah oo diiwaangelinta xaaladaha madaniga ah, kaas oo ka shaqaynaya oo hadda 19 degmo oo dalka ka tirsan.
Boosaaso
Puntland ayaa bilowday dhismaha jid cusub oo dhererkiisu yahay 92-kiloomitir, kaas oo isku xiri doona magaalada Boosaaso iyo deegaanka Dhaadaar ee gobolka Bari, deegaan ay Puntland ka qabsatay kooxda Daacish horraantii sanadkan. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in mashruucan la filayo inuu horumariyo isu-socodka, kobciyo ganacsiga, isla markaana xoojiyo amniga buuraleyda Cal Miskaad.
Jigjiga
magaalada jigjiga Waxaa si rasmi ah looga daahfuray 9 August 2025 guryo cusub oo loogu talagalay dhakhaatiirta iyo macalimiinta ka howlgala Cusbitaalka Takhasuska Sare ee Sheekh Xasan Yabaree, kuwaasoo dhismahoodu dhammaaday lana dhammeystiray dhammaan adeegyada aasaasiga ah.
Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro,” ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in la hakiyay kordhinta dhawaan lagu sameeyay qiimaha adeegyada internet-ka iyo wicitaannada taleefannada gacanta, kaddib wadahadallo uu maamulka la yeeshay shirkadaha isgaarsiinta.