Saturday, July 27, 2024

Digniin laga soo saaray roobab la filayo inay ka da’aan dowlad deegaanka Soomaalida

Jig-jiga (Dawan)- Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee ka agdhaw wabiyada, togogga iyo meelaha biyo mareenada ah ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha keeni kara biyo baxa maadama laga casbi qabo in roobab lixaad leh ay ka da’aan deegaanka.

Machadka saadaasha hawada dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay roobab laxaad leh ka da’ayaan Deegaanka Soomaalida kaas oo sababi karo fatahaado waxyeelayn kara dadka iyo duunyaduba.

Wasiirka Xafiiska Maareynta Khataraha Masiibooyinka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Axmed-yaasiin Sheekh Ibraahim ayaa bulshada deegaanka gaar ahaan kuwa ka agdhow jiinka wabiyada, togogga iyo meelaha biyo-mareennada ah faray in ay ka diyaar garoobaan ama ka fogaadaan fatahaadda ka dhalan karta roobabka la filayo in ay ka da’aan Deegaanka Soomaalida sida ay saadaasha hawadu sheegayso.

“Xukuumada Deegaanka Soomalida waxaay diyaar garow balaadhan ka sameysay arrimaha fatahaadaha, sidaa daraadeed, waxaa shacabka deegaanka Soomaalida ee ka agdhaw goobahaa loogu baaqayaa in iyagoo raacaya xogaha kasoo baxaya xafiisyada dowladda ee aay khusayso in ay feejignaan dheeri ah sameeyaan isla markaan ka fogaadaan meelaha keeni kara biyo baxada” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida..

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here