Amniga oo laga taageero, ciidamada xooga dalka oo loo qalabeeyo, iyo horumarinta awooda hay’adaha amniga dalka ayay Soomaaliya kala hadashay Xafiiska taagerada qaramada modoobay ee Soomaaliya(UNSON).
Kualan ka dhacay Xafiiska Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo ay yeesheen Axmed Macalin Fiqi iyo agaasimaha taageerada xafiiska howlgalka taageeraada qaramada midoobay ee Qurat-ul-Ain Sadozai.
War qoraal ah oo wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay taageerada howlaha amniga, qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka, iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda hay’adaha amniga ee dalka.
UNSOS ayaa Soomaaliya ka taageerto dhanka amniga, iyada oo dowladda soomaaliya ka caawiso dagaalka ay kula jirto Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, dhanka tababarka iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.