Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaatay kaarka codbixinta xarunta Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ee Degmada Warta Nabadda.
Madaxweynaha oo hadlay diiwaangelinta kadib, ayaa bogaadiyey Guddiga Doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay talaabooyinkii ay qaadeen kuwo horseedaya sidii loo qaban lahaa doorashooyin toos ah, Madaxweynaha ayaa sheegay in ay tani tahay “rajo muddo dheer la sugayay” oo ku qoran Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
“Dadka Soomaaliyeed waxay soo ceshanayaan awooddooda inay go’aan ka gaaraan hogaamiyahooda, ha noqdaan Xildhibaannada heer Federaal, madaxda dowlad goboleedyada, ama Madaxweynaha,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaalida ay dib u soo ceshan doonaan awoodda ay ku doortaan hogaamiyeyaasha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, oo ay ka mid yihiin Xildhibaannada, madaxweynaha, iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey doorka ay qaateen ciidamada amniga, maamulka degmooyinka, iyo bulshada ku sugan goobaha diiwaangelinta.
Sidaan oo kale Horey waxaa isu diiwaangeliyay oo karaka codbixinta qaayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Aadan Madoobe.
Qaadsahadda kaarka codbixinta ee madaxweynaha ayaa timid kadib 119 maalmood oo ka soo wareegatay markiii diiwaangelinta codbixiyayaasha ay ka bilaabatay dalka.
Diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo uu maamulo Guddiga Doorashooyinka ayaa qayb ka ah diyaar-garowga Soomaaliya ee ku aaddan isbeddelka nidaamka doorashada ee qof iyo codka ah sida ay sheegtay dowoladda.