Thursday, August 14, 2025

Somaliland oo Mamnuucday Soo Dejinta Baabuurta aaney Xabadu Karin

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta 13-ka Agoosto 2025 ey mamnuuc tahay soo dejinta baabuurta aanay xabadu karin iyo gawaadhida dusha bannaan, kuwaas oo bulshada qaar u yaqaanaan  qabaalka

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda 13-ka Agoosto 2025 ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu fulinayo dhammaan deegaanada Somaliland, ilaa amar dambe laga soo saarayo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ujeedada amarkan ku sheegtay in ay tahay ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada guud ee dalka, iyadoo xustay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gudaha.

waxay si rasmi ah u shaacinaysa in laga bilaabo taariikhda maanta ay mamnuucdo soo dejinta baabuurta aanay xabadu karin iyo baabuurta qabaalka, isla markaana aan la soo deji karin oggolaansho la’aan ilaa amar dambe.,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Somaliland ayaa horey u qaaday tallaabooyin la mid ah kuwaan oo lagu xakameynayo hubka iyo qalabka loo adeegsan karo amni-darro, iyadoo markan diiradda la saarayo baabuurta aan xabadu karin iyo kuwa dusha bannaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here