Ka dib shan kulan oo socday muddo bil iyo bar ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, weli waxaa taagan is-mari-waa ku saabsan doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka. Madaxweynaha ayaa ku adkaysanaya in la qabto doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay dalbanayaan in laga wada hadlo qaabka doorasho, iyagoo ku doodaya in aanay macquul ahayn. Xitaa waxay codsanayaan in gebi ahaanba laga laabto cutubka 4-aad ee dastuurka ee la ansixiyay.
War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha Samatabixinta ayay ku sheegeen in shanta kulan ee ay la yeesheen Madaxweyne Xasan aysan wax natiijo ah ka soo bixin qodobadii la isku hayay ee doorashooyinka. “Nasiib-darro, lama gaarin heshiis ay shacabka Soomaaliyeed rajada gelin lahaa,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Kulamada oo looga hadlayay afar qodob, waxaa aad loogu kala duwanaa qodobka ku saabsan doorashooyinka soo socda oo hoos yimaada cutubka 4-aad ee dastuurka la ansixiyay. Madaxweynaha wuxuu doonayaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku doodayaan in dib loogu laabto dastuurkii 2012-kii, kaasi oo ku salaysnaa nidaamka Baarlamaaniga ah ee lagu dhisay heshiiskii Carta. Sidoo kale, waxay ku baaqayaan in sagaalka bilood ee ka harsan muddo-xileedka Madaxweynaha xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhan yahay.
Madasha ayaa dalbatay in gebi ahaanba laga laabto cutubka 4-aad iyo dhammaan shuruucda ka dhalanaysa, iyadoo qaabka doorashooyinka uu yahay kan ugu horreeya ee ay diiddan yihiin.
Si labada dhinac ay u heshiiyaan, waxaa loo baahan yahay in mid uu tanaasulo. yee tahay inuu tanaasulo — ma mucaaradka mise Madaxweynaha?