Toddobaadkii hore, dab ayaa qabsaday Suuq Bacaad ee ku yaal magaalada Muqdisho, isagoo baabi’iyay hanti lagu qiyasay nus milyan doollar. Dadka magaalada si fiican u yaqaanna, sawirradaasi waxay ahaayeen kuwo murugo hore dib u soo celiyay. Laba sano kahor isla suuqaas ayaa dab qabsaday. Sannadkii 2017, isla sheeko kale ayaa dhacday. Mar walba, ganacsatada ayaa marqaati ka noqda, nolol-maalmeedkoodii oo dambas noqonaya.
Masiibadan ugu dambaysay ma ahayn dhacdo gooni ah. Laga soo bilaabo Suuq Bacaad ilaa Suuqa Bakaaraha — halbowlayaasha dhaqaalaha Muqdisho — dab ayaa si joogto ah ugu dhuftay: 2017, 2019, 2022, 2023, saddex jeer sanadkii 2024, iyo 2025, iyadoo khasaaraha uu gaaray boqolaal milyan oo doollar. Suuqa Hamar Weyne, oo ah mid taariikhi ah, ayaa isna la kulmay dhibaatooyin la mid ah kuwaan.
Si kastaba, dababkii ugu weynaa waxay ka dhaceen Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa sanadihii 2022 iyo 2025, khasaarihii halkaas ka dhashayna wuxuu ka badnaa $1.5 bilyan oo daallar. Gudaha Soomaaliya markaan waa leysla dhaafay, suuqyo ay ku xoogganyihiin ganacsatada Soomaaliyeed—Suuq Mugdi ee Garissa iyo Suuqa Taiwan ee Jigjiga—ayaa sidoo kale dab ku basbeelay, iyagoo sababay khasaare malaayiin doollar oo kale ah.
Qaar ayaa u arka in arrimahan taxanaha ah ay ka tarjumayaan wax ka badan musiiba iska dhacday. Mala-awaal iyo tuhunno ayaa tilmaamaya in si kas ah loo bartilmaameedsanayo, iyadoo la eegayo isku ekaanshaha wakhtiyada, sida dabka ku fido, iyo duruufaha ku xeeran.
Hase yeeshee, kuwo kale ayaa farta ku fiiqaya sabab aan qarsoodi ahayn balse dhimasho wadata: suuqyo aan amni lahayn. Jidad ciriiri ah oo luuqayo ah, kana hor istaaga gawaarida gurmadka degdegga inay gudaha u galaan. Fiilooyin koronto oo is-dhexyaacsan iyo agab si dhaqsa ah u ololi kara oo si aan ku habooneyn loo kaydiyo ayaa halista sii kordhiya. Xaaladahan oo kale, hal dhimbil ayaa ku filan inay musiibo dhaliso.
Joojinta wareegsiga musiibadan ma suurtogalineyso kaliya deeqo iyo tacsi. Ganacsatada waa in ay maalgeliyaan qalabka dab-damiska sida alaarmiyada iyo gaadiidka dab-damisyada. Dowladda waa in ay dib u naqshadeyso suuqyada si loo fududeeyo gelitaanka gaadiidka degdegga, in ay fuliso xeerarka dabka, una dhoweyso xarumaha dab-damiska goobaha ganacsiyada waaweyn. Sidoo kale, barnaamijyo caymis wadaag ah oo bixiya magdhow degdeg ah ayaa ka wanaagsan halkii ganacsatada lagu dayn lahaa gacan gargaar.
Suuqyadani kuma koobna oo keliya inay yihiin meel ganacsi; waa xarumo nolol-maalmeed oo kumannaan qoys ku tiirsan yihiin, waana tiir dhaqaale oo muhiim u ah Geeska Afrika. In mar walba dab lagu daawado waa musiibo dhaqaale oo halis ah.
Haddii ay tahay dayacaad ama mid si ula kac ah loo gubay, natiijadu waa isku mid: haddii aan tallaabooyin degdeg ah la qaadin hadda, dabka xiga ee suuqa ma aha su’aal ku saabsan goorma ayuu dhici doonaa ee waa xaqiiqo isku diyaaris u baahan.