Saturday, July 27, 2024

ATMIS oo war kasoo saartay dagaalka ay dowladdu kula jirto A S

Muqdisho (Dawan)- Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee loo yaqaano ATMIS ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob oo ay uga hadlayaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qodobadada ugu muhiimsan oo ay ka hadleen waxaa kamid ah sababta ay uga soo muuqaan waayeen dagaalka ay dowladda kula jirto Shabaab .

ATMIS ayaa ku sababaysay in sababta ugu weyn ee ay dagaalka uga soo muuqan waayeen ay tahay in dowladda Soomaaliya ay hoggaaminayso dagaalka, iyagana ay tahay kaalintooda taageeridda iyo garab istaaga ay u baahdaan ciidamada Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ATMIS ay ka qeyb qaaten isbeddelka weyn ee dhanka amniga iyo xasiloonida ee ka dhacay Soomaaliya, sannadihii lasoo dhaafa.

Ciidamada nabad ilaalinta ayaa Soomaaliya yimid sannadkii 2007 ayagoo wata magaca AMISOM, haddana waxaa loo bedelay ATMIS.

War saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in in bixitaanka ATMIS uusan saamayn ku yeelan doonin dagaalka ay dowladda kula jirto Al Shabaab, maadaama ay hadda tahay kala yarayn ciidan oo lagu fulinaayo heshiiskii ay ku imaadeen.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayay ATMIS ku sheegtay in deegaanka Cali Fooldheere oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe ay Shabaab ka saareen ayagoo ciidamada dowladda kaashanaya, halkaasna ay ku sugnaayeen in ka badan 15 sano.

ATMIS ayaa kusoo gabagabeysay war saxaafadeedka in in cabsida laga qabo Elnino aysan caqabad ku noqon doonin dagaalka Al-Shabaab ayna jiraan qorshe u degsan oo arrintaas looga gudbayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here