Wednesday, August 20, 2025

Meelmarinta Habraaca Doorashada Waqooyi Bari Soomaliya

Abukar Osman

(Laascaanood, Dawan TV) – Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, oo dhowaan si rasmi ah ay Dowladda Federaalka ugu aqoonsatay maamul-goboleedkii lixaad ee dalka, ayaa tallaabo kale u qaaday dhismaha hay’adihiisa dowliga ah kadib markii Baarlamaankiisu ansixiyay habraaca doorashada guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.

Fadhiga oo uu shir-guddoomiyay guddoomiyaha kumeel-gaarka ah Maxamuud Salaad Warsame, ayaa ahaa kal-fadhigii koowaad, fadhigiisa labaad, waxaana kasoo qeybgalay 74 xildhibaan oo ka mid ah 83 xildhibaan ee uu leeyahay maamulka. Guddiga Doorashada Guddoonka ayaa horkeenay habraaca doorashada, iyadoo xildhibaannadu ay Cod gacan-taag ah ku ansixiyeen habraaca, waxaana oggolaaday 58 mudane, halka 16 kale ay ka aamuseen, mana jirin cid diiday.

Ansixintaan ayaa gogol-xaar u ah in dhawaan la qabto doorashooyinka muhiimka ah ee guddoomiyaha Baarlamaanka, ku-xigeennadiisa, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari, kuwaas oo lagu wado inay ka dhacaan magaalada Laascaanood.

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa horey loo dhameystiray Baarlamaan rasmi ah oo ka kooban 83 xildhibaan, kuwaas oo laga soo xulay gobollada Sanaag, Sool iyo magaalada Togdheer.

Si kastaba ha ahaatee, dhismaha Baarlamaanka iyo ansixinta habraaca doorashada guddoonka ayaa lagu tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa ka qaybgalka Waqooyi Bari ee nidaamka federaalka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here