Thursday, August 21, 2025

Madaxweyne Mustafe oo kormeeray iskaashatada dahabka ee Biin.

Sitti(Dawan) – Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa booqday iskaashatada cusub ee macdanta Biin, taas oo soo saarta dahabka isla markaana ku taalla deegaanka Biyo-qaboobe ee degmada Aysha, ee gobolka Sitti.

Iskaashatadan oo dhowaan la aasaasay ayaa filayaa inay door muuqda ka qaadato kobcinta dhaqaalaha deegaanka iyo abuurista fursado shaqo, iyadoo loo arko tallaabo horumarineed oo dhiirrigelinaysa maalgashiga khayraadka dabiiciga ah ee gobolka.

Madaxweyne Mustafe ayaa ku bogaadiyay xubnaha iskaashatada dadaalkooda, isagoo sheegay in maalgashiga iyo soo saarista macdanta ay ka mid tahay ilaha muhiimka ah ee gobolka ku taalla, ayna gacan ka geysan karto yareynta shaqo la’aanta iyo kordhinta dakhliga bulshada deegaanka.

Gobolka Sitti ayaa caan ku ah hodantinimada khayraadka kala duwan oo ay ku jiraan macdanta, waxsoosaarka beeraha, iyo marinno ganacsi oo muhiim u ah isku xirka gudaha Dowlad deegaanka iyo Itoobiya.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in horumarinta iskaashatada Biin ay astaan u tahay sidii khayraadkaas loo maamuli lahaa loona horumarin lahaa si waara.

Booqashadan ayaa loo arkaa mid qayb ka ah dadaallada maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida uu ku dhiirrigelinayo ganacsiga, maalgashiga iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here