Saturday, July 27, 2024

Kenya oo martigelinaysa shirkii ugu horreeyay ee cimilada Afrika

Nairobi (Dawan)- Kenya ayaa martigelinaysa shirkii ugu horreeyay ee cimilada Afrika, kaas oo looga hadlayo u nuglaanshaha isbeddelka cimilada  qaaradda  Afrika iyo caalamka.

Shirkaan oo bilaawaday maanta oo isniin ah, waxaa ka qeyb gelaya madaxda Afrika, mas’uuliyiin ka socda hay’adaha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan arrimaha cimilada John Kerry, wuxuuna socon doona ilaa 6-da September.

Madaxda ayaa ka doodi doonta inta uu shirku socdo natiijada ka soo baxday ballan qaadyadii hore loo sameeyay, caqabadaha hortaagan wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo soo xoojinta dadaalada ay dalalku ku howlanyihiin si loo badbaadiyo qaaradda Afrika.

Shirkaan ayaa laga soo saari doona Baaqa Nairobi oo wax looga qabnaayo isbeddelka cimilada si loo kordhiyo cagaarinta iyo maal gelinta dalalaka Afrika kuwaas oo wajahaya qataraha isbeddelka cimilada.

Midowga Afrika iyo saaxibada caalamka ayaa iska kaashanaya  hirgelinta qorshahaan la rabo in looga hor tago saameynta isbeddelka cimilada, waxaana la abuuraya madal la isku dhaafsado argatiyada dalalka afrika iyo Beesha Caalamaka .

Kenya oo martigelinaysa shirka cimilada, ayaa ka mid ah wadamada Afrikaanka ah ee loo arko in ay horumar ka gaareen qorshaha looga hortegayo isbeddelka cimilada, waxaana weheliya Koonfur Afrika iyo Marooko.

Kenya waxay sannadkan u qoondaysay ilaa 12 milyan oo doolar oo loogu talagalay adeegyada saadaasha hawada, waxeyna dadaal ku bixisa caagrinta deegaanka iyo  ilaalinta duur joogta.

Dowladda Soomaaliya  ayaa daah furtay sannadkii hore qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar ah, kaas oo ah in la beero  10 Malyan oo geed si loo dhireeyo dalka logana hor tago isbeddelka cimilada, sidoo kale Golaha Aqalka sare ayaa dhawaan meel mariyay xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka oo wax badan ka tari doona arrimaha deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here