Wednesday, August 20, 2025

Kani Torun:Majirto sabab ay Somaliland dal ku noqon karto

Mogadishu (Dawan) – Safiirkii hore ee Turkiga u fadhin jiray Soomaaliya, Kani Torun, ayaa sheegay in gooni isu-taagga Somaliland uusan ahayn mid xaqiiq ku dhisan marka loo fiiryo qowmiyadda, diinta iyo afka, isagoo ku tilmaamay arrin si gaar ah ugu kooban qabiilka.

Torun ayaa ku doodday in nidaamka federaalka uu yahay habka ugu habboon ee lagu maamuli karo Soomaaliya, maadaama haddii qabiil walba oo Afrika ku nool uu dal madaxbannaan yeesho, qaaraddu ay yeelan lahayd in ka badan 500 dowladood.

Somaliland, ma jirto wax ay kaga duwan tahay maamulada kale ee Soomaaliya Qabiilka Mahane. hadii qabiil kasta uu dowlad noqon lahaa Africa waxa ay yeelan lahayd in ka badan 500 oo dal” ayuu yiri C. Kani Torun.

Diblomaasigan ayaa tilmaamay in mushkiladda ugu weyn ee ka jirta xiriirka Muqdisho iyo Hargeysa aysan ahayn Somaliland oo keliya, balse ay tahay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in haddii Muqdisho ay xalliso caqabadaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee haysta gobollada kale, Somaliland aysan heli doonin dood adag oo ku saabsan madaxbannaani.

Torun ayaa ku baaqay in xoogga la saaro dhismaha dowlad federaal ah oo shaqeysa, halkii lagu mashquuli lahaa eedeynta Somaliland. “eedeynta Somaliland waxba ma tarayso, balse waa inaan ka shaqeynaa sidii Muqdisho u shaqeyn lahayd” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Aragtidan ayaa dib u soo nooleysay doodda ku saabsan sida loo wajaho mustaqbalka federaalka Soomaaliya iyo xiriirka Somaliland, iyadoo lagu boorinayo hoggaanka siyaasadda inay mudnaanta siiyaan xal u helidda mushkiladaha ka jira gudaha dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here