Sunday, August 24, 2025
Array

Maxkamadaha Soomaaliya oo lunsaday in ka badan 1 milyan oo doollar

Abukar Osman

Muqdisho (Dawan) – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa shaaciyay fadeexad maaliyadeed oo ku saabsan maxkamadaha caddaaladda ee Banaadir, isagoo sheegay in in ka badan $1 milyan oo dakhli dowladeed ah aan lagu shubin khasnadda qaranka. Iyaga oo diiday in lagu sameeyo baarista sharciga ah ee xafiiska hanti dhowrka qaran.

Warbixin uu soo saaray Xafiiska Hanti dhowrka Qaran ayaa si cad u magacowday Maxkamadda Sare, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir inay ka mid yihiin hay’adaha lagu ogaaday dhaqaalaha sharci-darrada ah. Lacagahan ayaa lagu sheegay in lagu soo ururiyay adeegyo maxkamadeed iyo hanti la wareegis, balse aan loo marin nidaamka khasnadda mideysan ee dowladda.

Mas’uuliyiinta Hanti-dhowrka ayaa uga digay in dhaqan noocan ahi uu dhaawac weyn ku yahay kalsoonida lagu qabi karo garsoorka, isla markaana uu khatar ku yahay isla xisaabtanka iyo maareynta hufan ee hantida qaranka. Warbixintu sidoo kale waxay sheegtay in maxkamadaha qaarkood lagu eedeeyay qaadashada laaluush.

Dakhli dowladeed oo dhan 1,089,998.76 doollar laguma shubin lagumana maamulin khasnadda mideysan ee qaran,” ayaa lagu yiri warbixinta Xafiiska Hanti-dhowrka.

Arrintani ayaa cadaadis cusub ku kordhin doonto dowladda federaalka oo lagu boorinayo inay xoojiso isla xisaabtanka maaliyadeed iyo daahfurnaanta.

Maxkamadda Sare, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir kama aysan jawaabin wali eedeyntaan uu u soo jeediyay hanti dhowrka Qaranka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here