Muqdisho (Dawan) – Isbitaalka Hodan ee Soomaaliya ayaa Sabtidii shaaciyay furitaanka shaybaarkii ugu horreeyay ee lagu baaro DNA ee dalka. Adeeggan ayaa kamid ah adeegyo horay aan looga heli jirin gudaha Soomaaliya.
Sanado badan, hadii Soomaalida u baahato baarista DNA — kiisas sharci ah, xaqiijinta ilmaha qoyska, ama ujeedooyin caafimaad — waxay ahayd inay safar ku tagaan dalal kale. Shaybaarkaan cusub ayaa la filayaa inuu fududeeyo culayskan isla markaana kor u qaado helitaanka adeegyada caafimaad ee khaaska ah.
Maareeyaha Isbitaalka Hodan, Maxamed Isaaq, ayaa u sheegay Dawan in isbitaalku uu dareemay mas’uuliyadda inuu buuxiyo farqigan. “Baarista DNA waa mid muhiim ah gudaha Soomaaliya, waxaana qaadanay mas’uuliyada ah sida isbitaalka qaran,” ayuu yiri.
Inkastoo tijaabada DNA ay weli tahay arrin xasaasi ah oo ku saabsan bulshada Soomaaliyeed — halkaas oo arrimaha qoyska badanaa si gaar ah loo maareeyo — dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in aragtida bulshada ay isbedelayso
Shaybaarka wuxuu bixiyaa tijaabooyinka taariikhda waalidnimada (paternity and maternity testing), aqoonsiga fal-dambiyeedka (forensic identification), iyo (medical DNA profiling).
Maareeyaha Shaybaarka, Dr. Cabdifitax Cabdullaahi Jileey, ayaa sheegay in xarunta loo dhisay iyadoo la raacayo heerarka caalamiga ah. “Waxaan leenahay tignoolajiyada casriga ah iyo dhakhaatiir tababaran si loo hubiyo saxnaanta iyo sirta xogta,” ayuu yiri.
Furitaanka Shaybaarkan waxaa loo arkaa sidii guul muhiim ah oo ka tirsan qaybta caafimaadka Soomaaliya, oo weli hoos uga socota ku tiirsanaanta isbitaalada shisheeye ee adeegyada aasaasiga ah.