Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Xasan oo saxiixay ku biirista Soomaaliya ee EAC

Entebbe (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Entebbe ee dalka Uganda ayaa saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Muhiimadda juqraafiyadeed ee Soomaaliya waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga Afrika ee caalamka.” ayaa lagu yiri, qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa ku tilmaamay xilliga la joogo waqti lagu faani karo maadaama ay Soomaalya ka mira dhalisay dadaal ay muddo dheer kusoo jirtay.

“Maanta waa waqti aad loogu faano, aniga oo saxiixaya heshiiska ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu biireyso EAC. Waxaan ka midaysanahay himilooyinka la wadaago iyo xoojinta xiriirka dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed si loo dardar geliyo horumarka Gobolkeena” ayuu Madaxweyne Xasan kusoo qoray bartiisa X

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay in yoolka ururka EAC uu yahay sidii barwaaqo loo gaarsiin lahaa dadka dalalka ku bahoobay ururkaan.

Museveni ayaa yiri ” Waxaa farxad ii ah in aan martigelino oo goob joog ka ahaado saxiixa ku biiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Haddaba, Soomaaliya waan soo dhawaynayaa, waanan u hambalyeynayaa. Waxaan u mahadcelinayaa Guddoomiyaha Ururka ahna Madaxweynaha Koonfurta Suudaan
, Mudane Salva Kiir iyo Xoghaynta EAC oo u doortay Uganda inay martigeliso munaasabaddaan taariikhiga ah”.

Xoghayaha Guud ee EAC, Peter Mutuku Mathuki ayaa soo dhaweeyay heshiiska ku biirista ay Soomaaliya maanta saxiixday isaga ku tilmaamay in ay tahay tillaabo hore loo qaaday taas oo ka dhigeysa Gobolka mid ballaaran, awood badan sidoo kalena mideysan.

Bulshada Bariga Afrika waa urur Goboleed dhidibada loo taagay sannadkii 2000 ayna ku mideysan yihiin dalalka kala aha Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda, Jamhuuriyadda Kongo iyo Soomaaliya oo noqotay dalkii siddeedaad ee ku biira waxaana xarun u ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan sidoo kalena badeecadaha ay soos aaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag.

Soomaaliya ayaa ku biirin doonta ururka EAC xeebta ugu dheer Africa iyo ku dhawaad 20 milyan oo muwaadiniiteeda ah taas oo ka dhigi doonta bulshada ku mideysan ururkaan in ay gaaraan ku dhawaad 320 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here