BEIJING (Dawan) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa magaalada Beijing ku saxiixday heshiis saddex-geesood ah oo qiimihiisu yahay 38 milyan oo doolar, kaas oo ay la gashay laba shirkadood oo Shiinaha ah si ballaaran loogu kordhiyo soo saarista cusbada Harada Assal, oo ka mid ah meelaha ugu cusbada badan caalamka.
Heshiiskan ayaa Arbacadii ay waxaa dhinacyada u kala saxiixday Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti, Yoonis Cali Guedi, shirkadda Salt Investment S.A. oo hoos timaadda kooxda dhismaha weyn ee Shiinaha CCCC, iyo shirkadda Beijing China-Mining Jinfa Technology Co. Ltd (CMJF). Wasaaradda Tamarta ayaa sheegtay in heshiiskan uu yahay qorshe si tartiib tartiib ah loogu beddelayo Harada Assal xarun weyn oo soo saarista cusbada warshadaha iyo tan cuntada, taas oo Jabuuti ka dhigi karta dhoofiye muhiim ah oo gobolka ah.
Saddexda weji ee Heshiiska
Mashruucu wuxuu leeyahay saddex marxaladood. Wejiga koowaad oo ku kacaya 9 milyan oo doolar, ayaa lagu casriyeyn doonaa qalabka laguna dhisi doonaa warshad awood u leh soo saarista 500,000 tan oo cusbo warshadeed ah iyo 20,000 tan oo cusbo cunto ah muddo ka yar hal sano.
Wejiga labaad oo lagu maalgelinayo 18 milyan oo doolar, ayaa ballaarin doona warshadda si ay u gaarto 1 milyan tan oo cusbo warshadeed ah iyo 50,000 tan oo cusbo cunto ah.
Wejiga saddexaad oo leh 11 milyan oo doolar, ayaa kordhin doona awoodda guud in ka badan 2 milyan oo tan oo cusbo warshadeed ah sanadkii.
Wasiir Guedi ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid beddeli doona warshadaha cusbada. “Heshiiskani wuxuu beddeli doonaa warshadaha cusbada isagoo ka dhigi doona qayb firfircoon, waara oo faa’iido u leh dhaqaalaha qaranka,” ayuu yiri.
Maamulaha guud ee CCCC, Cheng Tiancheng, ayaa heshiiskan ku sifeeyay “iskaashi istiraatiiji ah oo guul-guul ah” isaga oo sheegay in Shiinuhu doonayo in Harada Assal laga dhigo goobta ugu weyn ee soo saarista cusbada Bariga Afrika.
Harada Assal oo ku taalla lamadegaanka Tadjourah, 155 mitir hoos uga jirta heerka badda, waxaa hore loogu isticmaalayay cusbo iyo bromide. Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa heshiiskan ku arka fursad lagu xoojinayo kaalinta dalka ee suuqyada gobolka iyo kuwa caalamka, isla markaana lagu abuuro shaqooyin.
Xafladda saxiixa ayaa ka dhacday xarunta shirkadaha CCCC iyo CURG ee Beijing, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madax Shiinaha iyo wakiillo Jabuuti ah.