Thursday, August 28, 2025
Array

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay heshiiska doorashada Soomaaliya.

Addis Ababa – (Dawan) Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhoweeyay saxiixa heshiiska wax-ka-beddelka qaab-dhismeedka doorashada ee Soomaaliya, kaas oo 25-kii Ogoosto lawada galeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo garab siyaasadeed oo ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ah isbahaysiga ugu weyn mucaaradka. Heshiiskan ayaa gogol u dhigaya doorashada madaxweynaha federaalka ee soo socda iyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada saxiixay in ay si dhab ah u dhaqan geliyaan heshiiska, isaga oo ku dhiirri-geliyay dhinacyada siyaasadda Soomaaliyeed ee kala duwan in ay taageeraan guushan siyaasadeed, ayna ku xalliyaan wada-hadal iyo is-afgarad caqabadaha ka taagan geeddi-socodka doorashada.

Sidoo kale waxa uu ku boorriyay beesha caalamka in ay sii wadaan taageerada ay siinayaan hannaanka dhismaha dowladnimo iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya, si waafaqsan mudnaanta hay’adaha qaranka Soomaaliyeed.

Midowga Afrika ayaa noqday ururka goboleedki labaad ee taageera heshiiskan, kaddib ururka IGAD oo shalay soo dhaweeyay, taas oo muujinaysa in uu sii xoogaysanayo taageerada gobolka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida uu uga go’an yahay in uu garab istaago Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed geeddi-socodka nabadda, amniga iyo xasilloonida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here