Jowhar (Dawan) – Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa Isniintii sheegay in wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Masar ay gaareen magaalada Jowhar, iyagoo sameeyay kormeer ka horeeya ciidamo la filayo in Masar keento.
AUSSOM ayaa sheegtay in wafdiga oo uu hoggaaminayo Islam Radwan lagu soo dhaweeyay taliska Sector 5 ee Jowhar, halkaas oo uu ku qaabilay Oscar Hatungimana, taliyaha ciidanka Burundi ee Shabeellaha Dhexe. Sida Aussom sheegtay Wafdiga Masar ayaa qiimeeyay xaaladda amniga, warbixin ka dhageystay saraakiisha, kaddibna kormeeray xarumaha muhiimka ah ee garoonka diyaaradaha Jowhar.
Burundi oo ciidamadeedu muddo dheer joogeen Jowhar ayaan hadda ka mid eheen Howlgalka AUSSOM, waxaana loo badinayaa in Masar ay la wareegi doonto saldhigyadii ay degganaayeen ciidamadaasi walow aan weli si rasmi ah loo shaacin.
AUSSOM ayaa sheegtay in booqashadu qayb ka tahay diyaarinta lagu doonayo in ciidamada Masar lagu daro howlgalka caalamiga ah ee taageera hay’adaha amniga Soomaaliya.