Saturday, July 27, 2024

Kenya oo digniin adag kasoo saartay qishka imtixaanaadka shahaadiga ah

Nairobi (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa digniin u dirtay cid kasta oo qorsheynaysa inay sameyso wax isdaba marin iyo fududeyn la xiriirta imtixaannada shahaaddiga ah ee sannadka.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dr.Raymond Omollo ayaa sheegay in aan cidna laga oggolaan doonin inay arday u sameyso imtixaanka, lagana hortegi doono tilaabooyinka fududeynaya in ardaydo helaan qish.
Waxaa uu sheegay in qofkii arrinkaan isku daya in laga qaadi doono tallaabada sharciga ee falkaasi ku habboon.
Omollo ayaa dhanka kale mamnuucay in taleefoonada lagu dhex isticmaalo goobaha ay ardayda imtixaannada ku sameynayaan.
Sidoo kale waxaa uu ka digay in baraha bulshada iyo kuwa farriimaha degdegga ah la isugu diro sida WhatsApp-ka, Telegram-ka iyo Signal-ka in lagu faafiyo warqado imtixaan oo been abuur ah, isaga oo xusay in dowladdu ay si dhow ula socon doonto adeegsiga barahan.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in qofkii warqado been abuur ah ku faafiyo baraha bulshada si uu ardayda u marin habaabiyo ama ciddii isku dayda inay arday u sameyso imtixaanka in la saaraya ganaax lacageed oo dhan 20 milyan oo shilin.
Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee guud ahaan Kenya ayaa la qorsheynaya in loo fadhiisto berri.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here